Kooxda Barcelona oo si cad ugu dhowaatay ku dhawaaqida heshiiska ciyaaryahanka da'yarka ah reer sweden ee Roony Bardghji
Barcelona ayaa kusii dhowaatay in dhawaan ku dhawaaqdo saxiixa da’yarka reer Sweden ee Roony Bardghji, weeraryahanka da'da yar (19 jir) ee ka soo jeeda FC Copenhagen. Waxaa la filayaa in heshiiska rasmiga ah la dhamaystiro toddobaadka dambe ama ugu dambayn bisha Luulyo bilowgiisa .
✅️Faahfaahin
Barcelona waxay ku bixin doontaa €2 m oo go’an, iyadoo lagu darayo lacagaha dheeraadka ah iyo clause uu Copenhagen ka heli doono iib mustaqbalka .
Bardghji ayaa la saxiixi doonaa heshiis muddo dheer ah, wuxuu markiiba ku biiri doonaa Barça B isagoo tababaran doona kooxdiisa A-liga, iyadoo tababare Hansi Flick ugu qiimeyn doono haddii fursad weyn uu ku helo kooxda koowaad .
Dib‑u-kabasho buuxda,Ka dib dhaawac ACL ah oo 11‑bilood qaadatay, Bardghji ayaa caafimaadkiisa looga hubiyay inuu si buuxda ula soo laabtay garoomada, arin keentay kalsooni lagu qabo inuu Barcelona ku soo biiri karo .
Wuxuu kula tartami doonaa booska midig ee weerarka da'yarka Lamine Yamal, halka sidoo kale loola socdo xirmaynta suurtagalka ah ee Nico Williams .
Barcelona waxay aragtaa saxiixan inuu yahay maalgelin mustaqbalka fog, iyadoo awood u siinaysa Bardghji inuu dhiso kalsooni iyo fursado ciyaareed—gaar ahaan Hansi Flick oo qiimeyn doona qaab ciyaareedkiisa xilli pre-season-ka Asia ee bisha Luulyo 13.
Comments
Post a Comment