Kooxda Galatasaray oo laxaqiijiyay iney si rasmi ah u xiiseyneyso ciyaaryahanka Leroy sane ee garabka bayern munich
kooxda Galatasaray ee ka ciyaarta Super Lig-ga ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka weerarka ee Bayern Munich, Leroy Sané. Sida laga soo xigtay warbixinta Sky Sport ee uu qoray weriyaha Florian Plettenberg, Sané wuxuu heshiis afka ah la gaaray Galatasaray, iyadoo faahfaahinta ugu dambeysa ee heshiiska bilaashka ah ay hadda ka socdaan Istanbul .
Sané, oo 29 jir ah, wuxuu ka tagi doonaa Bayern Munich marka uu dhammaado heshiiskiisa, waxaana la sheegay inuu ka fiirsanayo inuu ku biiro Galatasaray, iyadoo kooxda reer Turki ay si firfircoon u doonayso inay xoojiso safkeeda Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda .
Bayern Munich ayaa sidoo kale la kulantay Sané si ay u soo bandhigaan dalab cusub oo heshiis kordhin ah, laakiin Sané ayaa weli go'aan kama dambeys ah ka gaarin mustaqbalkiisa .
Haddii heshiiska la dhammeeyo, Sané wuxuu noqon doonaa xiddig caalami ah oo ku soo biira Galatasaray, isagoo ka soo muuqday xulka qaranka Jarmalka iyo kooxaha waaweyn sida Manchester City iyo Bayern Munich.
Comments
Post a Comment