Liam Delap oo la weydiiyay su'aal ah haddii uu culeys kuhayo xirashada lambarka (No.9)



Liam Delap ayaa ciyaartii Chelsea 3–0 ku soo galeen wareega 16ka ee tartanka Club World Cup kaddib si cad looga hadlay su’aasha ku saabsan haddii uu culeys ku hayo xirashada lambarka 9:

ciyaarta kadib,Wariyeyaasha ayaa weydiiyay Delap haddii uu dareemayo cadaadis ka dhashay “curse”-ka lagu sheegay lambarka 9 ee Chelsea, laakiin wuxuu ku jawaabay si deggan oo kalgacal leh:

> "maya wax culeys ah madareemayo,waa kaliya tiro dhabarka ku qoran,anigaa doortay lambarka sagaalaad(No.9) maxaa yeelay waxaan ahay weeraryahan,lambarkaasi wuxuu astaan uyahay weeraryahanada,waan ogahay waxa laga filayo,waanan diyaar u ahay).

Wuxuu kusoo beegmay wareeggan isagoo dhabarka u saaran mas'uuliyada, isagoo ka faa'iideysanaya xilka Nicolas Jackson, kaasoo xanniban .

Tababaraha Enzo Maresca wuxuu ka hadlay taageeradiisa taasoo muujinaysa in Delap yahay doorka dhexe ee kooxda, gaar ahaan ciyaaraha adag sida kuwii Calaamadeysan ee kooxdan kaga kala hortimid Tartamada Caalamiga .

Faahfaahinta

Wax Cadaadis ma jiro Delap si cad ayuu u sheegay inuusan u arkin lambarka 9 mid culeys ku leh,taas oo muujineysa kalsooni iyo go’aan qaadasho.

Tababare Maresca iyo kooxda ayaa taageeraya doorka Delap isla markaana qiimeynaya hab ciyaareedkiisa adag.

Comments

Popular posts from this blog

Kooxda manchester city oo si xoogan uxiiseyneysa ciyaaryahanka da'da yar ee Lyon Rayan Cherki

Ruben Amorim oo si kulul uga hadlay guuldaradii xumeyd ee kooxdiisa kasoo gaartay kooxda ASEAN All-Star

Kooxda AC Milan oo saacadihii ugu dambeeyay lasheegay iney tababare cusub kadhigan doonaan Max allegri