Liverpool FC oo si rasmi ah usoo bandhigtay saxiixa heshiiska milos Kerkez,daafaca bidix ee xulka qaranka Hungary
Liverpool FC ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay saxiixa Milos Kerkez, daafaca bidix ee xulka qaranka Hungary, kadib markii uu dhammeystiray heshiis uu kaga yimid kooxda Bournemouth. Warbixin rasmi ah oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Liverpool ayaa lagu xaqiijiyey in ciyaaryahanku uu saxiixay heshiis 5 sano ah, ilaa xagaaga 2030.
🔴 Faahfaahinta Heshiiska
Magaca: Milos Kerkez
Da’diisa: 21 sano (dhalasho: November 2003)
Booska: Daafac Bidix
Laga keenay: Bournemouth
Qiimaha lagu qiyaasay: £40 milyan (waxaa ku jiri kara gunnooyin dheeri ah)
Heshiiska: 5 sano, ilaa xagaaga 2030
✅️Hadalkii Ugu Horeeyay ee Kerkez
Kerkez ayaa yiri:
> "Sharaf weyn ayay ii tahay inaan ku biiro Liverpool, koox weyn oo leh taariikh qoto dheer iyo taageerayaal cajiib ah. Waan sugi la’ahay inaan xirto funaanadda cas."
Qaab ciyaareedkiisa Kerkez waxaa lagu amaanaa orodkiisa, daafac wanaagiisa iyo weerar ka qeybgalka. Waxa uu noqon karaa xiddig mustaqbalka dheer ka noqon kara kooxda.
📸 Bandhigga Rasmiga ah
Liverpool ayaa soo bandhigtay sawirro uu Kerkez ku xiran yahay funaanadda kooxda, isagoo lagu soo dhaweeyay xarunta tababarka ee AXA Training Centre.
Comments
Post a Comment