Manchester city oo si rasmi ah u shaacisay iney lasoo saxiixdeen difaaca bidix ee aït-nouri
Manchester City ayaa si rasmi ah u shaacisay inay la soo saxiixdeen difaaca bidix ee reer Algeria, Rayan Aït-Nouri, oo ka yimid Wolverhampton Wanderers. Heshiiska ayaa lagu qiimeeyay £31 milyan oo gini, iyadoo lagu daray £5.2 milyan oo dheeri ah oo ku xiran waxqabadka ciyaaryahanka .
Aït-Nouri, oo 24 jir ah, ayaa Wolves u soo baxay 2020 isagoo amaah ah ka yimid Angers, waxaana uu si joogto ah ugu ciyaaray Premier League, isagoo ka qayb qaatay 157 kulan, dhaliyay 12 gool, isla markaana bixiyay 19 caawin .
Manchester City ayaa heshiiskan u dhaqaaqday si degdeg ah si Aït-Nouri ugu diiwaangeliyaan tartanka Koobka Kooxaha Adduunka ee ka dhici doona Mareykanka bisha Juun .
Aït-Nouri ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ku biiro Manchester City, isagoo tilmaamay inay tahay riyo uu rumaystay. Sidoo kale, wuxuu muujiyay xiisaha uu u qabo inuu ka shaqeeyo tababare Pep Guardiola iyo kooxdiisa xirfadlayaasha ah .
Heshiiskan ayaa sidoo kale qayb ka ah qorshaha Manchester City ee dib-u-dhiska kooxda, iyadoo la filayo inay sii wadaan xoojinta safkooda xagaagan .
Comments
Post a Comment