Milos Kerkez oo mar hore kasbaday qalbiyada taageerayaasha Liverpool kadib hadalkiisi ugu horeeyay uu jeediyay


Milos Kerkez ayaa si deg deg ah u kasbaday qalbiyada taageerayaasha Liverpool kadib hadalkiisii ugu horreeyay ee uu jeediyay markii loo xaqiijiyay inuu ku biiray kooxda Reds.

🗣️ Hadal Jeedintii Ugu Horreysay

Markii uu si rasmi ah ugu biiray Liverpool, Milos Kerkez wuxuu yiri:

> "waxaan siinayaa wax walba,gabi ahaanba si ay ugu guuleystaan koobab kooxdu iyo waxaan rajeeynayaa inaan goolal ku dhaliyo Anfield,ma sugi karo inaan maqlo dhawaaqaas,goor dhow ayaan ku arki karaa".

Wuxuu sidoo kale ugu mahadceliyay taageerayaasha Liverpool:

> "waxaan kaliya doonayaa inaan umahadceliyo qof walba oo itusinaya jaceyl weyn,xattaa kahor intaan la shaacin heshiiska ama lagu dhawaaqin saxiixa waxaad tihiin taageerayaal ugu weyn ee adduunka".

Kerkez ayaa intaas ku daray in go’aankiisa ahaa mid cad:

> “Aniga ahaan,ma jirto koox labaad,had iyo jeer kaliya waa kooxda liverpool"

✅️Falcelinta Taageerayaasha

Taageerayaal badan ayaa baraha bulshada ku muujiyay taageero iyo farxad ay ku qabaan sida uu Kerkez u hadlay. Qaar waxay yiraahdeen:

"Waa sida uu u hadlayey Gerrard ama Carragher, daacadnimo buuxda."

"Waa ciyaaryahan aan jeclaan doono weligiis haddii uu sidaas u hadlo ugana dhabeeyo."


Hadalkaas kooban ee kalgacalka leh ayuu Kerkez ku kasbaday taageerayaal badan oo Liverpool ah — waxayna rajeynayaan inuu ficil ahaan uga dhabeeyo sida uu uga dhigay erayadaas.

Comments

Popular posts from this blog

Kooxda manchester city oo si xoogan uxiiseyneysa ciyaaryahanka da'da yar ee Lyon Rayan Cherki

Ruben Amorim oo si kulul uga hadlay guuldaradii xumeyd ee kooxdiisa kasoo gaartay kooxda ASEAN All-Star

Kooxda AC Milan oo saacadihii ugu dambeeyay lasheegay iney tababare cusub kadhigan doonaan Max allegri