Jonathan tah oo si rasmi ah ugu biiray kooxda bayern munich oo xattaa maanta lagu dhawaaqay heshiiska



daafaca Jonathan Tah ayaa si rasmi ah ugu biiray Bayern Munich, isagoo ka yimid Bayer Leverkusen. Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday heshiiska maanta, iyadoo Tah uu saxiixay qandaraas cusub oo soconaya ilaa Juunyo 2029. Wuxuu ku soo biiray kooxda isagoo xor ah, maadaama heshiiskiisa Leverkusen uu dhacayo 30-ka Juun .

Bayern Munich ayaa horey u muujisay xiisaha ay u qabaan Tah, iyadoo xitaa bixisay dalabyo kala duwan oo ay ku doonaysay inay ku soo qaadato. Si kastaba ha ahaatee, Bayer Leverkusen ayaa diiday dalabyadaas, iyadoo ku adkaysatay qiimaha sare ee daafaceeda .

Jonathan Tah ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka fiirsaday dalabyo ka yimid kooxo kale, oo ay ku jiraan FC Barcelona, laakiin ugu dambeyntii wuxuu go'aansaday inuu ku biiro Bayern Munich .

Heshiiskan cusub ee Tah ayaa muujinaya sida Bayern Munich ay ugu diyaar garoobayso xoojinta difaaceeda mustaqbalka dhow. 





Comments

Popular posts from this blog

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang

Benjamin Sesko oo doonaya in uu ku biiro kaliya kooxda ee manchester united