Ruben Amorim oo si kulul uga hadlay guuldaradii xumeyd ee kooxdiisa kasoo gaartay kooxda ASEAN All-Star
Tababaraha cusub ee Manchester United, Rúben Amorim, ayaa si kulul uga hadlay guuldarradii xanuunka lahayd ee kooxdiisa ka soo gaartay kooxda ASEAN All-Stars oo ay 1–0 kaga badiyeen ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Kuala Lumpur, Malaysia 28-kii May 2025.
Ruben Amorim wuxuu yiri:"Waxaan muujinnay daciifnimo maskaxeed, ciyaartoydu ma aysan lahayn diyaar garow maskaxeed oo ku filan. Cayaartu ma ahayn mid caadi ah. Waxaa naga maqnaa rabitaankii tartan, waxaana si fudud nooga dhamaaday kalsoonidii."
Wuxuu si gaar ah u xusay in:
•Kooxda aysan muujin isfaham ku filan.
•Ciyaartoyda qaar aysan la tacaali karin cadaadiska.
•Taageerayaashu ay muujiyeen caro badan, taasoo uu u arko mid sax ah kaddib xilli ciyaareed liita.
Waxa uu kudaray hadalkiisa "Waa inaan wajahnaa xaqiiqada — Manchester United waxaa laga filayaa wax weyn, guuldarro sida tan oo kale ahna lama aqbali karo, xitaa haddii ay tahay ciyaar saaxiibtinimo."
Xaaladda kooxda:
•United ayaa xilli ciyaareedkii Premier League ku dhamaysay kaalinta 15-aad, taasoo ah mid ka mid ah natiijooyinkii ugu liitay ee taariikhdooda.
•Taageerayaal tiradoodu gaaraysay 70,000 oo qof ayaa ku boohooday kooxda ciyaarta kaddib.
Ruben Amorim wuxuu sheegay in guuldarradan ay muujineyso baahida isbeddel weyn, gaar ahaan xagga maskaxda ciyaartoyda iyo nidaamka kooxda.
Xilli Manchester United waxay ciyaar kale la leedahay xulka Hong Kong 30-ka May 2025. Amorim ayaa ballan qaaday isbedel la taaban karo iyo firfircooni ka duwan ciyaartii ASEAN All-Stars.
Comments
Post a Comment