Kooxda Liverpool oo si rasmi ah u dhameystirtay heshiiska ay kula soo wareegtay weeraryahanka Eintracht Frankfurt ee Hugo Ekitiki
Liverpool ayaa si rasmi ah u dhammeystirtay heshiiska ay kula soo wareegtay weeraryahanka kooxda Eintracht Frankfurt, Hugo Ekitike, sida ay xaqiijiyeen ilo dhowr ah oo sugan.
✅️Faahfaahinta Heshiiska:
●Kooxda laga keenay: Eintracht Frankfurt (Bundesliga)
●Lacagta lagu saxiixday: €90 milyan (oo ay ku jiraan qodobbo bonus ah)
●Muddada heshiiska: 6 sano, ilaa Juun 2031
●Goorta la dhammeystiray: Julaay 2025, heshiiska ayaa la shaaciyay kadib todobaadyo wadahadal ah
●Weeraryahanka cusub: Waxa uu noqonayaa ciyaaryahanka weerarka ugu awoodda badan ee Liverpool lasoo wareegto tan iyo Luis Suárez iyo Darwin Núñez
🔴Sababta Liverpool u dooratay Ekitike:
Waxaa ay kooxdu ka quusatay la saxiixashada Alexander Isak oo Newcastle u ciyaara kadib markii qiimihiisa lagu sheegay in ka badan £150m.
Hugo Ekitike ayaa xilli ciyaareedkii 2024/25 ka dhaliyay 15 gool iyo 8 caawin Bundesliga-da.
Arne Slot, tababaraha cusub ee Liverpool, ayaa Ekitike u arka xiddig ku habboon falsafadiisa kubadeed ee cadaadiska sare iyo weerar degdeg ah.
Ekitike wuxuu si buuxda uga qeyb gali doonaa tababarka Liverpool usbuuca dambe.
Waxaa la filayaa inuu ciyaaro kulankiisa ugu horreeya Liverpool intaan la gaarin furitaanka rasmiga ah ee Premier League 2025/26.
Comments
Post a Comment