"Waa nin ku dayasho mudan",xiddiga khadka dhexe PSG Vitinha oo si aad ah oo weyn u amaanay Luka modric


Xiddiga khadka dhexe ee PSG, Vitinha, ayaa si weyn u amaanay ciyaaryahanka khibradda badan ee Real Madrid, Luka Modrić, isagoo sheegay in ay tahay sharaf weyn in uu garoon la wadaago. 

Vitinha wuxuu tilmaamay in Modrić uu yahay nin ku dayasho mudan, maadaama uu muddo dheer heer sare ku ciyaaray, isla markaana uu weli muujinayo tayo sare xilli uu jiro da’ ahaan.

Vitinha ayaa hadalkiisa u dhigay si ixtiraam leh, isagoo sheegay in ciyaartoyda da'da yar ay wax badan ka baran karaan Modrić, gaar ahaan kartida, hufnaanta, iyo hoggaaminta uu garoonka ku leeyahay.

Hadalkan wuxuu muujinayaa sida ay ciyaartoyda cusub ugu xurmeynayaan halyeeyada ciyaarta, isla markaana ay ugu arkaan tusaale wanaagsan oo lagu dayan karo.

Comments

Popular posts from this blog

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang

Chelsea oo ugu dambeeyn gacanta ku dhigtay heshiiska daafaca kooxda Ajax ee Jorrel Hato