Arne Slot oo Shirkiisa Jaraa'id ku Sheegay inuu Nasiib darro ku Yihiin Goolasha Naga Dhaliyo ee Set-Piece-yada
Arne Slot ayaa shirkiisa jaraa'id ee maanta ku sheegay in ay nasiib darro ku yihiin Goolasha Naga dhaliyo, isaga oo tilmaamay in Kooxdiisu fursado badan abuureen balse ay nasiib xumo tahay in aysan Dhamaan gool u badelin.
Wuxuu sheegay in Galatasaray ay ciyaar adag tahay, isla Markaasna ay nasiib darro ku ahayd markii lagu garaacay kulankii Eintracht Frankfurt 5-1, taasoo uu ku sifeeyay in ay noqon karto "tayada"Frankfurt" ama "naasiib-xumo" oo Galatasaray ku dhacday.
Slot ayaa mustaqbalkiisa ay tahay inay Kooxdiisu bixiso dadaal buuxa si ay u guuleysato, isla Waqtigaana Kadigay difaaca difaaca oo u baahan in la hagaajiyo, gaar ahaan kahor taga Goolasha ka imaanaya set-piece-yada.
Wuxuu sidoo kale sheegay in difaaca uu yahay shaqada wadajirta ah oo dhammaan Ciyaartoydu ka qayb qaataan, isla Markaasna Ciyaartoyda bedelka ah aysan Kaliya mas'uul ka ahayn Goolasha laga dhaliyo.
Slot ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Liverpool aysan isbeddel weyn ku sameynin Qaabka Ciyaarta Sanadihii ugu dambeeyay, balse ay jiraan faahfaahin yar yar oo u baahan in la saxo si ay ugu Tartamaan heerkaan sare.
Arne Slot ayaa Sidoo kale Tilmaamay in Caawiyaha Tababaraha ee Van Bronhorst uu aqoon Fiican uleeyahay Kubadda ee Turkiga,Waxaana Kooxdu ka Faa'ideysataa Aqoontiisa iyo Muuqaalada Falanqeynta.
Guud ahaan, Slot waxa uu Muujinayaa inuu Diirada saarayo hagaajinta ikhtiyaarka gooldhalinta iyo Adkeynta difaaca, qiraya in nasiib xumo ay qayb ka tahay dhibaatada kooxdu wajahday dhalliyaasha ah ee aysan ka faa'iidaysan Fursado badan ee ay abuureen.
Comments
Post a Comment