"Arsenal Waa Naga Fiicnaayeen",Pep Guardiola oo Sheegay Sababta ay Ugashay Manchester City Daafac
Guardiola waxa uu qiray in Arsenal ay ku fiicnaayeen dhinaca kubadda iyo cadaadiska, taas oo ku qasabtay City in marar badan ay dib ugu laabtaan si ay uga hortagaan weerarrada degdegga ah.
Waxa uu intaas ku daray in kulamada waaweyn mararka qaar aysan ahayn qurux iyo weerar badan, balse ay yihiin kuwo ay muhiim tahay in la ilaashado isku dheelitirka iyo difaaca.
Ugu dambayn, Pep waxa uu amaanay Arsenal isagoo sheegay inay ku jiraan heer aad u sarreeya, islamarkaana ay si cad u muujinayaan inaysan si fudud uga tanaasulayn tartanka horyaalka.
Comments
Post a Comment