Enzo maresca oo ka hadlay sababta weyn ka dambeeysay inuu garoonka kasaaro xiddiga Cole palmer
Enzo Maresca, tababaraha Chelsea, ayaa sharaxay sababta uu garoonka uga saaray xiddiga khadka dhexe ee Cole Palmer kulankii ugu dambeeyay.
Maresca ayaa sheegay in go’aanka beddelka uusan ku imaanin wax dhaawac ah oo soo gaaray Palmer, balse ay ahayd arrin farsamo iyo tababare ahaan uu doonayay inuu ciyaarta ku daro tamar iyo xawaare cusub.
🗣Wuxuu yiri:
"Palmer waa ciyaaryahan muhiim noo ah, laakiin mararka qaar waa inaan ka fiirsanaa sida ciyaartu u socoto. Waxaan u baahannay ciyaaryahan kale oo tamar cusub gelin kara garoonka si aan u helno saameyn ka duwan. Go’aankaasi wuxuu ahaa mid istiraatiiji ah, ma ahan mid dhaawac la xiriira."
Maresca ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in Palmer uu weli yahay ciyaaryahan muhiim u ah qorshihiisa, isla markaana ciyaaraha soo socda uu door weyn ku yeelan doono.
Comments
Post a Comment