ENZO MARESCA: "Xiddiga Cole palmer waa ciyaartoy tayo sare leh oo leh xirfad aad u fiican,laakiin........"

 


Enzo Maresca ayaa ka hadlay xiddiga Cole Palmer, isagoo qiray muhiimadda uu u leeyahay kooxda Chelsea. Tababaraha ayaa sheegay in Palmer uu yahay laacib tayo sare leh oo wax badan kusoo kordhiya kooxda, balse sidoo kale xusay in hadii uu usan diyaar noqon (sabab dhaawac ama xaalad kale), ay khasab tahay inay helaan xalal kale oo ay ku ciyaaraan si kooxda aysan u saameyn.


🗣Maresca ayaa yiri:

“Palmer waa ciyaaryahan heer sare ah oo kooxda muhiim u ah, laakiin kubadda cagtu mar walba hal qof kuma xirna. Haddii uu diyaar noqdo waan ku farxi doonaa, haddii kale waa inaan helnaa xalal kale oo aan ku ciyaarno.” 

Tababaraha Chelsea ayaa intaas ku daray in Palmer uu yahay ciyaaryahan da’ yar balse leh aqoon garoonka ah iyo go’aan qaadasho degdeg ah, taas oo ka dhigaysa mid ka duwan ciyaartoy badan oo da’diisa ah.

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang