Erling Haaland oo jebiyay rikoorkii weyna uu lahaa Ruud Van Nistelrooy ee tartanka champions league
Erling Haaland ayaa jebiyey rikoor weyn oo uu hayay Ruud van Nistelrooy, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu dhakhsaha badnaa ee gaaray 50 gool ee UEFA Champions League. Haaland waxa uu gaaray goolkiisii 50-aad kaliya 49 kulan, isagoo ka horreeyey van Nistelrooy oo u baahday 62 kulan si uu u gaaro isla tiradaas .
Haaland waxa uu goolkiisii taariikhiga ahaa ka dhaliyey Napoli ciyaar ka dhacday Etihad Stadium, isagoo madax ku dhaliyey kubad uu soo bixiyey Phil Foden . Guushii 2-0 ahayd ee Manchester City ay ka gaartay Napoli ayaa sidoo kale ka dhigtay Haaland mid ka mid ah 10-ka ciyaaryahan ee ugu goolasha badan taariikhda Champions League, isagoo gaaray 50 gool isagoo 25 jir ah .
Macallin Pep Guardiola ayaa sheegay in haddii Haaland uu sii wado qaab ciyaareedkiisa, uu noqon karo mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu goolasha badan ee taariikhda Champions League, isagoo xitaa ka horreyn kara Cristiano Ronaldo .
⚽️liiska ciyaaryahanada ugu dhakhsaha badan ee gaaray 50 gool ee Champions League:
Ciyaaryahan Kulamada uu ku gaaray 50 gool
●Erling Haaland 49
●Ruud van Nistelrooy 62
●Lionel Messi 66
●Robert Lewandowski 77
●Kylian Mbappé 79
●Karim Benzema 88
●Cristiano Ronaldo 91
Haaland ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu dhakhsaha badnaa ee gaaray 30 gool ee Champions League, isagoo sameeyey rikoor cusub oo ah 25 kulan .
Comments
Post a Comment