Garry Neville Si rasmi ah umagacaabay Labada Koox ugu Awooda Badan kuna Tartamaya Horyaalka Xilli Ciyaareedkan 2025/2026 iyo Sababaha udoortay
Garry Neville ayaa magacaabay labada koox ee ugu awooda badan kuna tartamaya horyaalka xilli ciyaareedkan 2025/2026 inay yihiin Arsenal iyo Liverpool. Neville ayaa sheegay in Arsenal ay muujisay calaamad cad oo muujineysa in ay tahay kooxda ugu dhow ee Liverpool kaga soo horjeedo ciyaarta horyaalka, gaar ahaan ka dib guushii 2-1 ee ay ka gaareen Newcastle iyo ciyaartii Liverpool ay guuldarro kala kulantay Crystal Palace.
Neville ayaa ammaanay kooxda Arsenal iyo tababare Mikel Arteta, isagoo sheegay in Arsenal ay hadda leedahay koox aad u fiican oo si dhab ah u taagan tartanka horyaalka. Wuxuu sidoo kale sheegay in Liverpool ay weli yihiin koox aad u adag laakiin hadda tartanka ugu weyn ee horyaalka yahay labo kooxood oo ah Arsenal iyo Liverpool.
Garry Neville waxa uu sharaxay sababaha uu Arsenal iyo Liverpool ugu sarreeyaan horyaalka iyadoo uu tilmaamay dhowr arrimood oo muhiim ah:
●ARSENAL Neville wuxuu u arkaa inay leeyihiin ciyaartoy isku xiran oo kalsooni leh, isla markaana leh hab ciyaareed cad oo xooggan. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in ay Arsenal noqotay koox si dhab ah ugu socota hanashada horyaalka sababtoo ah xoogga kooxeed, tayada ciyaartoyda, iyo kartida tababare Mikel Arteta.
●LIVERPOOL-na Neville wuxuu sheegay inay yihiin koox adag oo leh khibrad iyo xirfad sare, gaar ahaan dhinaca difaaca iyo qorshaha guud ee ciyaarta. Neville ayaa amaanay sida Liverpool ay u difaacanayaan goolasha, isagoo sheegay in kooxdu ay horseed ka tahay dhinaca la dagaalanka kubbadda iyo qaab ciyaareedka adag ee garoonka.
Neville waxa kale oo uu xusay in labada kooxba ay leeyihiin ciyaartoy da'yar oo firfircoon oo si joogto ah uga qayb qaata guulaha kooxda, taasoo muhiim u ah inay joogteeyaan heerarka sare. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in maskaxda iyo niyadda kooxahaasi ay tahay mid ka duwan kooxaha kale, taasoo ka dhigaysa kuwo ugu sarreeya horyaalka xilli ciyaareedkan.
Comments
Post a Comment