Jose Mourinho:"Waxaan ahay "Special One"ama Tababarihii ugu Fiicnaa una Guulaha Badna ee soo Mara Kooxda Chelsea,Cidna Ma jebin Karto""
Jose Mourinho ayaa ku tilmaamay Naftiisa inuu yahay "Special One" ama Tababare ugu fiican kooxda Chelsea, isagoo sheegay in uu yahay Tababare cajiib ah oo guulo waaweyn leh oo uu la gaaray Chelsea.
Mourinho ayaa xusay inuu Chelsea ka dhigay koox weyn, isla Markaasna ayaa ka ahaa tababarihii ugu Guulaha badnaa taariikhda kooxda, isagoo ku guuleystay Seddex horyaalka Premier League iyo koobab kale oo muhiim ah.
sidoo kale wuxuu sheegay inuu mar walba noqon doono qayb ka mid ah taariikhda Chelsea.Isagoo Muujiyay in Taageerayaashu u Aqoosan yihiin Mid Gaar ah Marka la eego waxqabadkiisa kooxda.
Shaqooyinkiisa kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah inuu Tababare weyn ka noqday Kooxo kale oo Yurub ah sida Porto, Inter Milan, Real Madrid, Manchester United iyo Roma, isagoo ku Guuleystay horyaalyo badan iyo koobab waawayn, taasoo caddayn u ahayd cilmi-baarista sare Ama Xirfadiisa Sare iyo kartida hoggaamineed.
Mourinho ayaa sidoo kale kale hadda ku laabanaya Benfica, halkaas oo uu Xirfadiiisa tababarnimo ku bilaabay, markii mar kale muujiyay kalsoonidiisa iyo doonistiisa inuu Maamulo/Hogaamiyo koox weyn sida Benfica, isaga oo weli ah Tababare cajiib ah oo lagu xasuusan Chelsea iyo kubadda cagta guud ahaan.
Comments
Post a Comment