Jude Bellingham oo dib ugu soo laabtay kooxda real madrid,una ciyaari doona kulanka Marseille ee champions league
Xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa si rasmi ah ugu soo laabtay kooxda, waxaana uu diyaar u yahay kulanka ay Los Blancos ka hor imaanayaan Marseille tartanka Champions League 2025/2026.
Bellingham oo dhaawac ku maqnaa kulamadii lasoo dhaafay ayaa haatan kasoo kabsaday, wuxuuna tababarka kooxda ku soo laabtay si buuxda. Xabi Alonso ayaa la filayaa inuu ku daro liiska ciyaartoyda safka hore, maadaama uu ka mid yahay xiddigaha ugu saameynta badan khadka dhexe ee Real Madrid.
Kooxda reer Spain ayaa dooneysa inay guul muhiim ah ka gaarto Marseille si ay u xoojiso fursadeeda wareegyada xiga, halka soo laabashada Bellingham ay taageereyaasha u tahay war farxad leh.
Comments
Post a Comment