Matheus Cunha oo la xaqiijiyay inuu diyaar noqon doono kulanka manchester united la ciyaareyso kooxda chelsea
Matheus Cunha ayaa laxaqiijiyay inuu si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxda Manchester United, islamarkaana uu diyaar u noqon doono safka kulanka Premier League ee sabtida United ay la ciyaareyso Chelsea.
Soo laabashada Cunha ayaa loo arkaa mid muhiim ah maadaama uu muddo dhaawac kaga maqnaa, waxaana tababare Rúben Amorim uu caddeeyay in weeraryahanku qeyb ka noqon doono qorshaha ciyaarta.
Tababaraha United, Rúben Amorim, ayaa sheegay in Cunha iyo Mason Mount labaduba ay qeyb ka yihiin kooxda la safri doonta sabtida, in kastoo ciyaaryahanada kale sida Diogo Dalot iyo Lisandro Martínez ay wali dhaawac jiraan.
Comments
Post a Comment