Ousman Dembele oo Si rasmi ah ugu Guuleystay Abaalmarinta Weyn Ballon D'or sanadkan ee 2025
Ousmane Dembélé ayaa ugu dambeeyn ku guuleystay abaalmarinta weyn ee Ballon d’Or 2025 — waxa uu noqday laacibkii ugu fiicnaa ragga adduunka sanadkan, isagoo ku adkaaday tartan adag, gaar ahaan Lamine Yamal.
✅️Qodobo Muhiim ah oo ku saabsan guushiisa:
Dembélé wuxuu kooxda PSG u hoggaamiyay guul taariikhi ah, gaar ahaan markii PSG ay heshay Champions League-keedii ugu horreeyey.
Wuxuu ka dhex qaaday tartamayaal xoog leh sida Lamine Yamal iyo Vitinha.
Waxqabadkiisa sanadkii 2024-25 ayaa ahaa mid cajiib ah — PSG ayuu ka caawiyay inay ku guuleystaan Champions League markii ugu horreysay taariikhda kooxda.
Sanadkan waxa uu muujiyay tiro iyo saameyn sare:goolal iyo caawimooyin badan (go’aamiyo ciyaaro muhiim ah) ayuu sameeyay.
Codka doorashada ayaa isaga geliyay kaalinta koowaad, isagoo dhaafay Lamine Yamal iyo Vitinha
Comments
Post a Comment