Pedri oo Sheegay in Dagaalka Khadka dhexe uu Go'aamin Doono Natiijada Kulanka Barcelona iyo PSG
Pedri, khadka dhexe ee Barcelona, ayaa shir jaraa'id ka hor kulanka Champions League ee Barcelona iyo PSG ku sheegay in sirta guusha kulankaasi ay ku jirto dagaalka Khadka dhexe.
Wuxuu xusay in labada Koox ay muujiyeen, inay isku Kubadda Haystaan iyaga oo cayaara si geesinimo leh, sida uu yiri, "Annagu waxaan nahay Ciyaartoy jecel in kubbad aan gacanta ku Hayno, maahan inaan orod ku raadsanno kubbadda " taas oo keentay in Barcelona ay doorbideyso inay xakameyso kubbadda halkii ay ka ciyaari lahayd si daqiiqad ah kubbad ka daba tagto .
waxa kale oo uu sheegay in dagaalka khadka dhexe uu noqon doono furaha ciyaarta, isagoo yiri: "Qofka Xakameeya khadka dhexe ayaa xakameyn doona ciyaarta oo Saameyn weyn ku yeelan doona doona.
wuxuu kaloo Tilmaamay in isaga iyo Vitinha oo ah ciyaaryahan khadka dhexe PSG ah ay sidaas u jecel yihiin, halka ay ka Ordi Lahaayeen kubbadda cagta ,Taasoo ka dhigan inay tartan adag ka jiraan khadka dhexe labada Kooxood .
Guud ahaan, Pedri ayaa muujiyay kalsoonida kooxda Barcelona ku qabto in ay Guuleysan karto ciyaarta isla Markaasna uu diyaar uyahay kulanka adag ee ay la cayaaraan PSG.
Comments
Post a Comment