Tababaraha Arne slot oo sheegay sirtii ka dambeesay inay Liverpool guul ka gaaraan athletico madrid

 


Arne slot oo si rasmi ah uga hadlay sirtii ka dambeesay guushii Liverpool ay ka gaartay kooxda athletico madrid kulankii ee champions league.

🗣Hadallada Arne Slot

1. "waa inaad ku qaraacda hubkooda "

Slot wuxuu yiri:

“Haddii aad rabto inaad ku garaacdo koox sida Atlético, oo caan ku ah maskax adag, waa inaad sidoo kale ku garaacdaa hubkooda — waana maskaxda adag.” 

2. Isku darka maskaxda adag, taam ahaanta iyo tayada ciyaartoyda

Slot wuxuu sheegay in si ay ugu guuleystaan, Liverpool ay lahayd maskax adag, taam-jir (fitness) iyo tayada ciyaartoyda — isku darka seddexdaan ay yihiin waxa sameeyay guusha. 

3. Inay ciyaarta ka dhigayaan mid adag, xitaa marka aad hogaanka hayso

Wuxuu qiray inay Liverpool hogaanka 2-0 ka qaadatay ciyaarta, laakiin Atlético ay ka soo laabtay, wuxuuna yiri in ciyaarta "simpler" ama sahlan laga dhigi lahaa haddii fursadaha la dhammeystiray markii hore. 

4. Soo bandhigida Alexander Isak iyo saamayntiisa

Slot wuxuu ka hadlay sida uu Isak u ciyaaray 60-daqiiqo uu galay, iyo sida uu u muujiyay tayadiisa inkastoo uusan buuxin oran jidh ahaan. Wuxuu sheegay inuusan nasiib darro ahayn tayadiisa, laakiin wax lagu farxo inuu bilow wanaagsan yeeshay. 

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang