Tababare Hanzi Flick oo Shaaca kaQaaday ciyaartoyga ee ugu muhiimsan Kooxda Barcelona Xilli Ciyaareedkan
Tababare Hansi Flick ayaa si cad u sharxay in uu ku qaadanayo Pedri inuu yahay kan ugu muhiimada badan ee kooxda Barcelona waqtigan lajoogo, gaar ahaan kadib guushii 2-1 ee ay ka gaareyn Real Sociedad Laligaha.
Flick ayaa tilmaamay in Pedri uu laf-dhabarta iyo tiirka u baahan tahay ee kooxda uu yahay, isagoo sheegay inuu yahay ciyaaryahan gaar ah,hogaamiye kooxda soo koraya, oo si weyn uga dhexda ciyaara oo bixiya xakameeynta kubadda, Fahamka booska,isla goortaa ah laf-dhabarta qorshihiisa ciyaareed.
Pedri ayaa ah isha kaliya ee ka soo bilowda ciyaaraha waaweynka ah ee Barcelona xilliga ciyaareedkan 2025/2026, taas oo muujisay kalsoonida Hanzi Flick uu ku qabo ee muujisay doorka weyn xiddigan iyo sida uu u saameeyo qaabka kooxda.
Hanzi Flick ayaa sidoo kale ku ammaanay wada shaqaynta Pedri iyo Frenkie de Jong oo ah laba ciyaaryahan oo si fiican iskula jaanqaaday qaab ciyaareedka kooxda.
Comments
Post a Comment