Thiery Henry oo si toos ah ugu digay mikel arteta: "sanadkan waa qasab in Arsenal ay koob qaado"

 

Thierry Henry ayaa si toos ah ugu digay tababaraha Arsenal Mikel Arteta, isaga oo sheegay in xilli ciyaareedkan aysan jirin wax cudurdaar ah isla markaana ay qasab ku tahay kooxda in ay koob weyn ku guuleystaan.

🗣Henry ayaa hadalkiisa ku muujiyay:

In Arsenal saddex sano isku xigta ku dhameysatay kaalinta 2-aad Premier League balse aysan weli qaadin koob weyn.

Wuxuu ku dhaleeceeyay Arteta inuusan weli keenin weeraryahan “No.9 dhab ah” oo kooxda u dhammaystira.

Halka uu sheegay in kooxdu ay leedahay tayo iyo ciyaartoy heer sare ah, haddana waxa kaliya ee ka dhimman waa in la xaqiijiyo guulo la taaban karo.

Henry wuxuu ku adkaystay:

👉 “Sanadkan waa qasab in Arsenal ay koob qaado, haddii kale guul darro ayuu noqonayaa mashruuca.”

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang