"Waa mid aanan Garanayn Waxa uu Sameynayo",Machael Owen oo si Weyn uga hadlay Ibrahim Konaté
Weeraryahankii hore ee Liverpool, Michael Owen, ayaa si xoogan uga hadlay daafaca dhexe ee Liverpool, Ibrahima Konate, ka dib markii kooxda Reds ay ku gashay guuldarro 2-1 ah Crystal Palace.
Micheal Owen ayaa si gaar ah u dhaleeceeyay Konate isagoo sheegay in uu markii u muuqday mid aan garanayn waxa uu samaynayo, gaar ahaan qaybtii hore ee ciyaarta.uu dhaleeceeyay Konaté,Owen wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay tayadiisa guud ee difaaca Liverpool Waqtigan.
Owen waxa uu tilmaamay in aysan tani ahayn khaladaad daal ama cudur, maadaama uu arkay waxqabadyo la mid ah kuwaas oo muhiimad weyn ku yeeshay ciyaaraha qaar ee xilli-ciyaareedka.
Owen waxa uu xusay in Konaté markii hore uu sameeyay go'anno iyo qaladaad difaac ah oo sababay in dhibaatooyin ay halis gasho, taasoo keentay qayb ka noqotay in Crystal Palaceay dhaliso.
Si kastaba ha ahaatee, Owen ayaa sidoo kale qiray in Crystal Palace ay ahayd koox si fiican u ciyaareysay, iyadoo guusha aysan ku imaanin dugsiyada oo Liverpool ah laakiin ay ahayd guul xaq u ahayd kooxdooda.
Comments
Post a Comment