Wayne Rooney:"Wax Kalsooni ah kuma Qabo Tababaraha Hadda Kooxda Manchester United Ruben Amorim".

 



Wayne Rooney ayaa si cad u sheegay in uu wax kalsooni ah ku qabin tababaraha hadda kooxda Manchester United, Ruben Amorim.

 Rooney oo ah gooldhaliyihii ugu sareeyay taariikhda Manchester United ayaa sheegay in kooxdu ay lumisay nafteeda, oo aysan jirin dagaal,dabeecad,ama rabitaan guul oo laga arko qaab ciyaareedka Kooxda, waxaanu muujiyay inuu aaminsanayn in Amorim uu awood u leeyahay inuu kooxda dib uga dhigo heerkeedii hore.

Wuxuu sheegay inuu u arko in ciyaartoy qaarkood aysan u qalmin inay xirtaan shaadhka Manchester United, taasoo keentay dhaawac weyn ee kooxda. 

Rooney ayaa ammaanay in Amorim yahay hoggaamiye da'yar oo leh mustaqbal ifaya, balse waxa uu muujiyay in aaminin in uu awood u leeyahay inuu kooxdiisa dib u kiciyo,isagoo ugu dambeeyn sheegay "waxaan rajeynayaa inuu xaalada rogo, anigu kalsooni kama qabo".

Wuxuu intaas ku daray in kooxdu ay u baahan tahay isbedel weyn oo ka baxsan tababaraha, isagoo tilmaamay in dhaqanka iyo ruuxda kooxda ee Waqti dheer lagu yaqaanay ay hadda baaba'een.

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang