Alessandro Nesta oo Si Cad Magacaabay Daafac Keliyay ee u Adag uguna Fiican abid kubadda Cagta Waqtigan ee Xaadirka ah.
Alessandro Nesta, halyeeygii hore ee daafaca dhexe ee AC Milan iyo xulka Italy, ayaa u magacaabay Virgil van Dijk,daafca dhexe ee Liverpool, inuu yahay booska ugu fiican waqtigan ciyaaraha ah.
Nesta ayaa si weyn u ammaamay van Dijk, isaga oo muujiyay in uu yahay daafac heerka sare ah oo ku dayasho mudan waqtigan la joogo .Nesta laftiisa ayaa ah mid ka mid ah daafacyadii ugu waaweynaa taariikhda kubadda cagta, waxaana loo tixgeliyaa mid ka mid ah daafacyada ugu wanaagsan abid.
Sidoo kale Nesta ayaa qiray in van Dijk uu yahay kan ugu wanaagsan maadaama uu sanad walba ka ciyaaro heer sare, gaar ahaan Premier League oo ah horyaalka ugu adag adduunka.
Waqtigan xaadirka ah,isagoo ah tababare, ayaa Nesta wali kaalin muuqata ka ciyaaraya kubada cagta maadaam uu yahay tababare kooxda Serie A Monza, inkastoo kulamo iyo xaalado shaqo oo isbeddelaya uu la kulmay..
Sidaas darteed,magacaabista ugu adaga ee daafac ugu fiican waxaa si gaar ubixiyay Alessandro Nesta oo ku tilmaamay virgil van Dijk kan ugu sareeya waqtigan la joogo .
Comments
Post a Comment