Alexander Isak ee reer sweden oo markii ugu horeysay warbaahinta si rasmi ah uga hadlay ku biiristiisa kooxda ee FC Liverpool .
Weeraryahanka reer Sweden Alexander Isak ayaa markii ugu horeysay warbaahinta si rasmi ah uga hadlay ku biiristiisa kooxda Liverpool. Isak ayaa sheegay inuu waqti wanaagsan ku qaadanayo kooxda ilaa hadda,isagoo tilmaamay in Liverpool ay tahay koox weyn iyo magaalo uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo kooxda iyo taageerayaasha.
Waxa uu sidoo kale muujiyay farxad iyo reynreyn uu ka kadareemayo ku biiristiisa kooxda iyo deegaanka cusub.Isak ayaa ku biiray Liverpool xagaagii 2025 isagoo u wareegay Newcastle United heshiis rikoodh ah oo qiimihiisu gaarayo £125 milyan, taasoo ka dhigtay iibka ugu qaalisan taariikhda Premier League.
Isak oo 25 jir ah ayaa heshiis lix sano ah la galay Liverpool, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay fursadda la siiyay iyo himilooyinkii uu leeyahay ee ah inuu taariikhda ka sameeyo kooxda isla markasna ku guuleysto horyaalo.
Weeraryahankan oo hore uga cayaaray Real Sociedad iyo Newcastle ayaa ku tilmaamtay Liverpool inay tahay goob ku habboon xirfadiisa iyo in uu kooxda ka caawiyo guulo waaweyn.Wuxuu sheegay in uu rajeynayo inuu si wanaagsan ugu biiriyo kooxda isla markaasna taageerayaasha iyo kooxda xiriir wanaagsan yeeshaan.
Comments
Post a Comment