Arne Slot oo Ka Hadlay Guuldaradii Kooxdiisa Kasoo Gaartay Galatasaray ee Kulankii Champions League



Arne Slot, tababaraha Liverpool, ayaa ka hadlay guuldarradii weyneyd ee Kooxdiisa ka soo gaartay Galatasaray oo 1-0 ku garaacday Liverpool kulankii Champions League ee ka dhacay Istanbul. 

Slot ayaa sheegay inuu niyadda-jabsan yahay, isagoo xusay in ciyaarta qeybtii hore Liverpool ay si wanaagsan u ciyaartay isla Markaasna ay heshay fursad muhiim ah oo ay ku hogaamin lahayeen , laakiin Qeybtii labaad, Ciyaartoyda ayaa ku dhibban yihiin sidii ay fursado badan u abuuri lahaayeen sababtoo ah Galatasaray ay dagaal adag oo xooggan oo Saartay Difaacashada. 

Slot oo Tilmaamay in Goolka Kaliya ee Galatasaray ku hogaamisay uu ka yimid ganaax uu kooxda Liverpool ku dhacday, kaasuu tilmaamay inuu ahaa mid adag isla Markaasna aan si buuxda ugu habboonayn xaaladda ciyaarta. 

Waxa kale oo uu ka hadlay oo jawaab ka jeediyay Dhaawacyada Ciyaartoyda Muhiimka ah sida Alisson Becker iyo Hugo Ekitike, kuwaas oo Dhaawcyo culus soo gaarey ciyaarta dhexdeeda, taasoo keentay inay Saameyn weyn ku yeelatay Qaabka Ciyaareedka kooxda Liverpool. 

Tababaraha ayaa qiray in kooxda Galatasaray ay ahayd koox si heersare ah u dagaalantay, sidoo kale jawiga garoonka iyo Tagerayaashoda uu qayb weyn ka qaatayn guulaha kooxda. Sidoo kale uu niyaddasanaan ka muujiyay guuldarrada, waxa uu sheegay in kooxda Liverpool aysan ka fogeyn heerkii ay soo bandhigtay xilli ciyaareedkii hore, balse ciyaarta adag iyo Jadwalka culus uu marmar saameeyo kooxda.

Slot ayaa Tilmaamay in labada kulan ee isku xiga ee Liverpool la ciyaari doonto ay Adkaan Doonaan, iyadoo kooxdu ay tahay inay shaqo adag qabato siay u magaalo horumar iyo Guulaha la filayo.

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang