Arne Slot oo si kulul uga difaacay Mohamed Salah eedeymaha taageerayaasha ka dib guuldarradii ay Liverpool kala kulantay Chelsea




Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa si kulul uga difaacay Mohamed Salah eedeymaha Taageerayaasha ka dib guuldarradii 2-1 ee ay Liverpool kala kulantay Chelsea. Arne Slot ayaa sheegay in Saalax aanu ka waasixin Xaaladiisa, isagoo carrabka ku Adkeeyay inay jiraan duruufo Ciyaareed oo kala duwan, isagoo tilmaamay in Saalax uu yahay ciyaaryahan Muhiim ah oo muhiim u ah kooxda,isla Markaana uu ku tiirsan yahay himilooyinka kooxda.

 Slot ayaa ka hadlay Fursadaha Salah ee kulankii Chelsea, isagoo qiray in Salah uu ka tegey fursadaha oo dhalin lahaa Goolal, laakiin sidoo kale wuxuu difaacay, isagoo tilmaamaya in ciyaartu ay ahayd mid adag oo ay labada Kooxood awood isku leeyihiin, ayna guushu ka Raacday kooxdii soo bandhigtay shaqada gool dhalinta Daqiiqadii ugu dambeysay 

Taageerayaasha Liverpool waxay Si Gaar ah Salah ugu eedeeyeen inuu ka gaabiyey gool dhalinta, gaar ahaan fursad muhiim ah oo uu ka seegay, balse Tababaraha ayaa ammaan ka muujinaya Dadaalka iyo heerka Salah ee kooxda.

 Waxa uu sheegay in Xitaa Ciyaartoyda Waaweyn ay mararka qaar ka gaabiyaan Fursadaha, laakiin taasi kama dhigna inay liidato dadaalkiisa guud .

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang