Arne Slot,Tababaraha Liverpool oo helay War Farxad Leh Kahor Ciyaarta Adag ee Chelsea ee Premeire league
Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa Xaqiijiyay in labada weeraryahan ee Muhiinka ah, Hugo Ekitike iyo Federico Chiesa, ay diyaar u yihiin kulanka weyn ee Liverpool ay Sabti la ciyaari doonaan Chelsea ee horyaalka Premier League.
Labada ciyaaryahan ayaa soo kabanaya Dhaawacyo yar yar oo ay la daalaa dheereynayeen, Waxayna ku soo laabteen Tababarka kooxda, taasoo ka dhigaysa war farxad leh ka hor ciyaarta adag ee Stamford Bridge.
Si kastaba ha ahaatee Slot waxa uu Cadeeyay in goolhayaha Muhiimka ah ee Liverpool, Alisson Becker, uusan diyaar noqon kulanka Sabti iyo sidoo kale ciyaaraha xilli dambe oo dhow, sabab la xiriirta Dhaawac hamstring ah oo uu kasoo Gaaray ciyaartii Champions League ee Galatasaray.
Alisson ayaa la Filayaa inuu maqnaando dhawr Toddobaad ah, iyadoo booskiisa uu qaadanayo Ama Galayo Giorgi Mamardashvili intaas oo waqtiga ah.
Comments
Post a Comment