Arsenal iyo West Ham oo ku ciyaari doona garoonka Emirates Stadium ee London Xilli ay Gunners ay HiiGsaNaYaan in ay Qabtaan premeire league




Arsenal iyo West Ham ayaa ku ciyaari doona garoonka Emirates Stadium ee London maalinta Sabtida, 4 October 2025, kulan ka tirsan Premier League. Kulankan ayaa muhiim u ah Arsenal oo u hiigsanaysa tartanka horyaalka Premier League, iyaga oo ku jira kaalinta labaad ee Shaxda, halka West Ham ay ku jiraan kaalinta 19aad.

 Arsenal ayaa leh rikoodhka wanaagsan oo ay ku jiraan guulo muhiim ah oo ay ka Gaareen Kooxaha waaweyn sida Manchester United iyo Newcastle, taas oo kor u qaadaysa rajada ay ka qabaan inay koobkaan Qabtaan.

 West oo Hoos yimaada Tababare Nuno Espirito Santo ayaa Doonaya inay sii Wadaan Guulihii Hore ee ay Kasoo Gaareen Emirate Stadium,Kuwaas oo ahaa labo guulood oo isku xigta oo ay kula soo galeen garoonka Arsenal. 

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa leh kalsooni iyo taariikh wanaagsan oo ay ku dheeli karaan Kulankan si ay u xoojiyaan Fursadaha horyaalka. Kulanka ayaa saacadeedu ku bilaabanaya (5:00pm) waana tartan xiiso leh oo ka mid ah ciyaaraha ugu waaweyn ee Todobaadka Premier League.

Sidaas darteed, Arsenal ayaa ku taagan Xaalad wanaagsan oo ay ku raadinayaan inay sii xoojiyaan kalliintooda sare ugana gudbaan West Ham si ay usii wadaan dagaalka Premier League ee xilli ciyaareedka 2025/2026.

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang