Arsenal oo qaraacday kooxda West Ham kulankii ay Laciyaareysay ee horyaalka premeire League
Arsenal ayaa 2-0 kaga badisay kulankii ay Emirates Stadium kula ciyaareen West Ham ee Premier League Oktoobar 4, 2025. Goolasha Arsenal waxa ay Kala Dhaliyay Declan Rice oo ka dhaliyay gool hore West Ham ee daqiiqadii 38aad iyo Bukaayo Saka oo gool rigoori ah dhaliyay ee 67aad.
Kulankan,Arsenal waxay la ciyaareysay iyadoo Dhaawacyo la tacaaleysa, taasoo ka mid ahayd sababtii Xiisaha u kordhiya guusha.
Martin Ødegaard, kabtanka Arsenal, ayaa Dhaawac ku baxay qaybta hore ee ciyaarta markii Srddexaad ee xilli ciyaareedkan oo uu Muddo gaaban ka ciyaaray iyo Declan Rice oo isagana qeybtii Labaad Dhaawac soo Gaaray Kulanka, halka Ciyaartoy kale sida Noni Madueke,Piero Hincapie, Gabriel Jesus, Ben White iyo Christian Norgaard ay sidoo kale Dhaawac kala duwan ka maqnaayeen kooxdooda.
Dhaawacyadani waxay Caqabo kaga mid ahayd dhinaca diyaar garowga iyo isku dubaridka ciyaarta ku keentay Arsenal, hase yeeshee kooxda ayaa awood iyo go'aan ay ku gaareen guusha ciyaarta mihiimka ah
Comments
Post a Comment