Barcelona oo Go'aan lama Filaan ka Gaartay Xiddiga ee Marcus Rasford——— Xilli l£30m ilaa £35m ee Kaliya lagu Heli Karo Heshiiskiisa
Kooxda Barcelona ayaa go'aan lama filaan ah ka gaartay xiddiga Marcus Rashford oo haatan ku cayaaraya isagoo amaah ka dib markii heshiiska lagu soo qaadan karo uu gaarayo £30m ilaa £35m.
Barcelona ayaa ka shaki gashay xaaladda Rashford iyo sababta ay Manchester United ubixisay,laakiin markii dambe waxay noqotay inay layaabaan tayadiisa iyo waxqabadkiisa,waxayna u arkeen heshiis gaaraya heshiiska £30m inuu yahay fursad fiican oo qiimo jaban ah.
Rashford ayaa si fiican ula qabsaday Barcelona isagoo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ku lug leh 3 gool iyo 5 caawin. Waxaan Barcelona qorsheyneysaa inay si joogto ah ula wareegto heshiiskiisa xagaaga dambe.
Rashford laftiisu wuxuu muujiyey inuu doonayo inuu Barcelona sii joogo,isagoo sheegay inuu diirada saarayo shaqadiisa iyo in kooxda u adeegto si wanaagsan. Tababaraha kooxda Barcelona Hansi Flick ayaa isna aad u ammaanay oo tilmaamay kartida ciyaaryahanka iyo sida uu muhiimka ugu noqday kooxdiisa.
sidaas darteed Barcelona ayaa diyaar u ah inay heshiiska sii qaadan oo Rashford ay ka dhigto xiddigeeda joogtada ah xagaaga 2026, iyagoo u arka fursad qiimo leh oo kooxda wax taraysa .
Comments
Post a Comment