Barcelona oo guuldarro xasuuq ah Kala Kulantay Kooxda Sevilla kulan ka dhacay Horyaalka La Liga xilli ciyaareedka, Xilli Real Madrid ay Qabatay Hogaanka Horyaalka.
Barcelona ayaa guuldarro xasuuq ah oo 4-1 ah kala kulantay kooxda Sevilla kulan ka dhacay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii 2025/26. Sevilla ayaa bilow wanaagsan Sameysay, iyadoo Alexis Sánchez gool penalti ahaa ka dhaliyay, Isaac Romero darajadii Kordhiyay, halka Jose Ángel Carmona iyo Akor Adams ay Goolal kale oo muhiim ah ku dareen daqiiqadihii ugu Dambeysay ee ciyaarta.
Marcus Rashford ayaa kaliya hal gool u dhaliyay Barcelona, laakiin guushu waxay ku raacday Sevilla oo ay muujisay awood sare, iyadoo Robert Lewandowski uu seegay gool rigoore ahaa oo muhiim ahaa.
Guuldarradan ayaa keeneysa in Barcelona ay ku jirto booska labaad ee horyaalka, iyadoo Real Madrid ay ku hogaamineyso kadib guushooda Villarreal, taasoo keentay in Real Madrid ay 2 dhibcood ka Sarreyso Barcelona.
Hansi Flick, Tababaraha kooxda Barcelona, ayaa ku tilmaamtay guuldarradu ay sabab u tahay khaladaad culus oo Ciyaareed, isaga oo difaacay nidaamka Kooxdiisa inkastoo ay guuldarro weyn soo arkeen.
Xiligaan Barcelona ayaa wajahaysa Cadaadis culus sababtoo ah ay guuldarrooyinku ku soo noqnoqonayaan isla markaana ay Real Madrid hogaanka qabteen ee La Liga.
Comments
Post a Comment