"Brazil waa in ay saarin cadaadis xad dhaaf ah ee Estaveo si aan waxyeelo uga imaan horumarkiisa",oo yiri CASEMIRO .



Casemiro, oo ah ciyaaryahan khaas ah oo ka tirsan kooxda Manchester United iyo xulka Brazil, ayaa ka digey in cadaadis badan lagu soo saaro xiddiga da'da yar Estaveo Willian kadib bandhiggii ugu dambeeyay ee Brazil.

 Estaveo, oo 18 jir ah, ayaa labo jeer gool dhaliyay markii Brazil ay si weyn 5-0 ugu garaacday  kuuriyada Koonfureed, isaga oo muujiyay bandhig aad u fiican oo ka mid ah ciyaartii ugu wanagsneyd, taasi keentay inuu yahay ciyaaryahan muhiim u ah xulka Brazil iyo kooxdiisa.

Casemiro ayaa sheegay in Estaveo yahay ciyaaryahan da'yar oo muhiim ah in si deggan oo taxaddar leh loo horumariyo, isla markaasna aan la saarin cadaadis xad dhaaf ah si aanay waxyeelo uga imaan horumarkiisa.

 Casemiro ayaa xusay in Estaveo uu yahay ciyaaryahan weyn oo hore looga arkay Palmeiras, laakin hoeumarinta waxaa in si tartiib ah loo sameeyaa si aan loo degdeg san. Waxa uu sheegay in Estaveo uu yahay xiddiga kooxda Chelsea ee horyaalka ugu tartanka adag adduunka, balse loo baahan yahay in si tartiib ah loo qaado xaaladda ciyaarta si cadaadis badan loo saarin .

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang