Chelsea oo ku Qaraacday Kooxda Liverpool Garoonka Stamford Bridge ee kulankii premeire League,xilli Liver Lagala Wareegay Hogaanka EPL




Chelsea ayaa 2-1 kaga adkaatay Liverpool kulankii Premier League ee 4-ta Oktoobar 2025, garoonka Stamford Bridge, iyadoo  Goolka guusha ah ee ciyaarta dheeriga ahaa uu ka Dhaliyay Estevao 90+5aad. Chelsea ayaa hogaanka u qabatay kulanka daqiiqadii 14aad markii Moisés Caicedo uu gool qurxoon ka dhaliyay 20 yard ah, Liverpool ayaa barbaro la soo noqotay daqiiqadii 63aad Gakpo ooka soo Caawiyay Alexander Isak.

Guuldaradan ayaa ahayd tii seddexaad oo xiriir ah ee Liverpool la kulanto Tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, taasoo sidoo kale Sababtay in hogaanka horyaalka Premier League ay Chelsea iyo guuldarada Liverpool ay Arsenal Siiso fursad ay kaalinta hore kaga soo boodaan.

Liverpool, oo ah horyaalkii difaacayay, ayaa wajahaya marxalad adag kadib markii ay guuldarrooyinka Seddexaad iskuxigta la kulanto, taasoo Dhaawac weyn ku ah ee rajadooda xilli ciyaareedkii 2025/2026. Kulanka ayaa sidoo kale waxa uu muujiyay Caqabado kooxda ka haysta iyo isbedelada Ciyaartoyda. 

Chelsea ayaa dib u Muujiyay Go'aan iyo adkeysi iyagoo garoonkooda ku guuleystay iyagoo ka maqna ciyaartoy muhiim ah. Goolka Estevao oo ah ciyaaryahan da'yar ayaa la xusuusan Doonaa waqti dheer sababo la xiriira saameyntiisa weyn ee guusha Chelsea.

Guushani waxay dhabarjab ku tahay Liverpool oo hortaagan tartanka horyaalka kadib markii Guuldarooyinkii kahoreeyay, waxaana waxa ay Arsenal ku siisay hogaanka horyaalka maanta kadib guushooda kulanka West Ham.


Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang