Daafaca Marc Cucurella Oo Wacad Ku Maray In uu Lamine Yamal uu Dhaawici Doono Kulanka weyn ee Champions League ah ay wada Ciyaarayaan Chelsea Iyo Barcelona ee stamford Bridge
Daafaca kooxda Chelsea, Marc Cucurella, ayaa muujiyay xiisaha uu u qabo fursadda uu kula ciyaari doono kooxdiisi hore ee Barcelona kulan ay ku wada ciyaari doonaan Champions League-da.
Cucurella ayaa Barcelona ka sheegay in ay yihiin koox fursad naga fiican heysata, isagoo tilmaamay in Chelsea aysan sanadihii lasoo dhaafay ka qeyb qaadan ciyaarta ama tartanka Champions League, halka Barcelona ay jiraan koox dhalinyaro ah oo khibrad leh.
"Kooxda Barca waxay leeyihiin waayo-aragnimo aad u badan, ciyaaro badan oo tartanka Champions League ah, iyo degganaan badan marka ay xaaladuhu ay ku adkaadaan. Laakiin ciyaar kasta wax walba way ka dhici karaan.”
Marka laga hadlaayo Lamine Yamal, ciyaaryahanka ee Barcelona iyo saaxiibkiis kooxda qaranka Spain,Cucurella ayaa warbaahinta ka yiri, "Warka wanaagsani waa in weli waqti dheer ka haray Koobka Adduunka; haddii aan jebiyo, wuxuu haystaa waqti badan oo uu ku soo Kabsado", isagoo kaftan ka sameeyay dhibaatada dhaawac ee ku keeni karo ciyaartoyda Barcelona, gaar ahaan xiddiga yar ee Lamine Yamal.
Waxa kale oo uu ku tilmaamay kulanka inuu noqon doono mid xiiso leh oo muhiim ah, isaga oo rajeynaya in Chelsea ay guul gaari karto inkastoo Barcelona ay tahay koox khibrad badan leh oo horyaalka Europe si joogto ah uga qayb gasha.

Comments
Post a Comment