Didier Deschamp oo ka Hadlay sababta uu u bedelay Kylian Mbappe ee kulankii france ay Guul ka gaartay Azerbaijan
Tababaraha xulka France Didier Deschamps ayaa sheegay in badalka Kylian Mbappé ee kulankii France 3-0 kaga badisay Azerbaijan uu ka dhashay dhaawac yar oo Mbappé kasoo gaaray intii uu u cayaarayay Real Madrid kahor intuu imaan tababarka xulka.
Deschamps ayaa yiri Mbappé waxa lagu soo sheegay "dhibaato yaryar" oo muruqa canqawga ah, laakiin dhaawcu ma ahayn mid culus oo ka horjoogsanaya inuu yimaado tababarka xulka.
Deschamps ayaa intaa ku daray inuu la hadlay Mbappé iyo kooxdiis caafimeed si loo qiimeeyo xaaladda, isla markaasna uu go'aami doono sida uu ciyaaryahanku uga qayb qaadan karo ciyaaraha marka la eego horumarka caafimaadkiisa.
Xaalka Mbappé ayaa loo arkaa inay tahay mid wanaagsan oo uusan jirin wax khatar ah oo weyn, balse bedelka ayaa loo sameeyay si looga ilaaliyo dhaawac dheeraad ah maalmaha horyaalka ee soo socda.
sidaas dartees,bedelka Mbappe kama imaanin arrin tababar ama doorasho istraatiiji ah oo kaliya, balse wuxuu sabab u ahaa inuu dareemay dhaawac yar oo horey ugu qabay, taasoo keentay in tababaraha uu taxaddar muujiyo si uusan xaaladiisa u xumaan.
Comments
Post a Comment