"England waa dareemtay Maqnaanshaha Jude", Declan Rice oo si cad u difaacay Jude Bellingham xilli uu ka maqnaa xulka qaranka England .
Declan Rice ayaa si cad u difaacay Jude Bellingham xilli uu ka maqnaa xulka qaranka England, isagoo sheegay in kooxda England ay aad u dareentay maqnaanshihiisa kadib 3-0 ee ayka gaareen kooxda Wales.
Rice ayaa muujisay in Bellingham uu yahay ciyaartoy muhiim u ah England, isla maraasna kooxda ay si weyn u xiisayso soo laabashadiisa. sidoo kale wuxuu xusay in ciyaartoyda kale sida Phil Foden iyo Cole Palmer ay sidoo kale maqnaayeen, laakiin kooxda ay wali tahay mid aad u wanaagsan maadaama ay leedahay ciyaartoy badan oo tayo leh.
Rice ayaa rajeynaya in Bellingham iyo ciyaartoydii kale ee maqnaa ay ku soo laabtaan xulka qaranka bisha soo socota .Rice ayaa ku tilmaamay in marka loo ciyaaro England, qof walba uu doonayo inuu fursad qaato, laakiin maqnaanshaha Bellingham waxa uu ahaa mid la dareemay.
Waxa kale oo uu sheegay in kooxda England ay dadaal ku bixisay sidii ay u sii wadato isku diyaarinta ciyaartoyda muhiimka ah ilaa iyo inta ay diyaar u yihiin tartamada waaweyn sida Koobka Adduunka. Sidaas darteed Declan Rice ayaa difaacay Booska Bellingham ee xulka qaranka isagoo caddeeyay maqnaanshihiisa uu saameyn weyn ku yeeshay kooxda England,Laakiin sidoo kale uu rajo ka qabo inuu dhawaan soo laabto oo muhiim u noqdo kooxda .
Comments
Post a Comment