Franka Lampard oo si Rasmi ah u Magacaabay Xiddiga Laf-Dhabarta u ah Kooxda Chelsea ee Xilli Ciyaareedkaan 2025/2026
Halyeeygii hore ee Chelsea, Frank Lampard, ayaa magacaabaya xiddiga laf-dhabarta u ah kooxda Chelsea oo ah Moises Caicedo. Lampard ayaa si weyn u amaanay doorka ah ee Caicedo oo ah ciyaaryahan khadka dhexe difaaca ku wanaagsan,
isagoo tilmaamay in Caicedo uusan kaliya qaban karin shaqada kala jabka kubbadda sida Claude Makélé, laakiin sidoo kale wuxuu leeyahay astaamo la mid ah kuwa N'Golo Kanté oo awood u leh inuu u soo dhawaado weerarka kuna caawiya gool dhalinta.
Lampard ayaa isaga oo sheegay in Caicedo uu leeyahay isku dhaf xirfadeed oo u dhexeeya Makélélé iyo Kanté, isaga oo sheegay in Caicedo uu si fiican u xiriiro ciyaarta, si deg-deg ah u xakameeyo meelaha khatarta ah, isla markaana wuxuu leeyahay awood weerar oo kordhin karta kooxda.
Sidaa darteed, Caicedo waxaa loo arkaa inuu yahay laf-dhabarta cusub ee Chelsea, iyadoo Lampard ku booriyay inuu sii wado qaab ciyaareedka heerka sare ah isla markaana ku guuleysto waxyaabo waaweyn kooxda dhexdeeda .
Comments
Post a Comment