Greth Southgate oo ku Xiray Manchester united Shuruud Adag si uu uqabto Xilka Tababarnimo ee Kooxda.
Greth Southgate ayaa ku xiray inuu qabto xilka tababarnimo ee Manchester United shuruud Adag oo ah in la siiyo Waqti ku filan oo uu ku dhisi karo kooxdii 20-jeer horyaalka Ingiriiska ku Guuleysatay si tartiib tartiib ah.
Wuxuu sheegay in uu u baahan yahay ilaa afar sano si uu ugu soo celiyo kooxda heerkeedii tartan ee Champions League-ka, isla markaasna uu u Doonayo in maamulka ay kooxda garwaaqsadaan muhiimadda ay leedahay inuu haysto waqti dheer ah oo joogto ah si uu u fuliyo isbedelkaas.
Southgate ayaa sidoo kale ka muujisay muujiyay Walaac uu ka qabo in kooxdu aysan si degdeg ah u qaadan saameyn togan, sababtoo ah ay taasi keeni karto Cadaadid iyo filashooyin aan macquul ahayn taasoo keeni karta Xaalad Adkeyn karta shaqadiisa.
Inkasta oo uu daneynayo xilka tababarnimo, haddana ma rabo inuu ku degdegto ku laabashada shaqada tababarnimo haddii aan la siin dammaanad cad oo ku saabsan taageerada muddada dheer ah ee Maamulka Manchester United.
Shuruuddan waxay muujineysa in Southgate uu Rabo inuu qaato xilka tababarnimo kaliya haddii uu helo fursad dhisid oo waqti dheer ah, iyada oo la xalinayo xaaladda adag ee kooxda iyo sida loo baahan yahay in la sameeyo isbeddel ballaaran oo joogto ah si loo soo celiyo Guulaha waaweyn
Comments
Post a Comment