Jamie Carragher oo Shaaciyay sababta ay Arsenal u tahay kooxda ugu cadcad ee hanashada horyaalka Premier League ee xili ciyaareedka 2025/26.
Jamie Carragher ayaa shaaca ka qaaday sababta ay Arsenal u tahay kooxda ugu cadcad ee hanashada horyaalka Premier League ee xiliciyaareedkan 2025/26. Wuxuu Tilmaamay in Arsenal ay tahay mid si joogto ah u taagan, dadka kale aysan ka maarmi karin, maadaama ay saddexdii sano ee la soo dhaafay ku jirtay booska labaad, taasoo muujineysa in ay leedahay xassilooni iyo tartan joogto ah.
Jamie Carragher ayaa si gaar ah u amaanay goolhayaha Arsenal, David Raya, isaga oo shegay inuu yahay xirfadle heer caalami ah oo saameyn ku leh kooxda.
Carragher ayaa shaaca ka qaaday in Raya uu ku faani karo inuu yahay mid ka mid ah goolhayaashii ugu wanaagsan ee Premier League, oo ay u badan tahay inuu si weyn uga faa'iideysto Guulaha kooxda Arsenal iyo tartanka horyaalka, gaar ahaan xilli ciyaareedkan 2025/26.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Raya uu ciyaarta ka dhigo mid aad u ammaan badan, isla markaasna uu leeyahay xirfado gaar ah oo caadiyan ciyaartoyda noocaas ah ay leeyihiin, taasi ay si weyn u taageereyso waddooyinka ay kooxdu u socoto inay ku guuleysato horyaalka
Comments
Post a Comment