Jamir Garragher oo Magacaabay Xiddiga Masuulka ah oo La degay Liverpool Kadib Guuldaradii Kasoo Gaartay Galatasaray ee Kulankii Champions League
Jamie Carragher, ciyaaryahankii hore ee Liverpool, ayaa magacaabaya Xiddiga uu u arko in uu yahay Dhaawac weyn ku haya Liverpool kadib guuldaradii kooxda ka soo gaartay Galatasaray ee Kulankii Champions League.
Carragher ayaa si gaar ah u Muujiyay Ciyaaryahanka leh lacagta badan ee cusub ee kooxda, ee Florian Wirtz, isagoo sheegay in Wirtz uusan weli Xaqiijin booskiisa kooxda Liverpool, isla Markaasna u Baahan yahay in uu iskaga Baxo Kooxda Si Liverpool ugu Noqoto Si ay ahayd Xilli Ciyaareedkii Hore.
Carragher Waxa uu sheegay in Liverpool aysan hadda u ciyaarin kubbada cagta sida koox heer sare ah, balse ay cayaaraan kubbada nooca "basketball" ee ah mid aad u orod badan oo lahayn Habeyn iyo xakameyn, taasoo keentay khilaaf iyo qalalaase badan ku jira qaabka kooxda.
Wuxuu ku baaqay in Arne Slot,Tababaraha Liverpool, uu wax ka qabto xaaladdaas si uu u hagaajiyo qaabka ciyaarta iyo difaaca, isaga oo sheegay in kooxda ay lumisay Dheelitirkeedi Ciyaareed kadib saxiixyada cusub, halka weerarka aan wax horumar ah aysan sameynin.
Jamie Carragher ayaa ku eedeeyay Wirtz inuu Yahay Xiddiga ay Liverpool u baahan tahay in laga saaro kooxda si ay u Helaan kalsoonida iyo taageerada difaac oo adag, isla Markaana uu Arne Slot uu shaqo adag u hayo sidii uu u celin lahaa una soo celin lahaa guulihii Hore.
Comments
Post a Comment