Julian Alvarez oo Si Cad Jawaab Culus uga Soo Saaray Wararka Lala Xiriirinayo Kooxda Barcelona



Julian Alvarez ayaa si cad uga jawaabay wararka ku saabsan in Kooxdiisa Atletico Madrid uu kaga biiri karo Barcelona, ​​isagoo sheegay inuu Diirada saarin wararka kala guurka Waqtigan. 

Alvarez ayaa sheegay in tartanku hadda Bilowday, uu mudnaanta Siinayo inuu waxqabadkiisa horumariyo maalin kasta iyo inuu guulo la gaaro Atletico Madrid, isagoo ku tilmaamay wararka la xiriir isbedelada Kooxaha inay Yihiin wax aan muhiim u ahayn Naftiisa.

Si kastaba ha ahaatee, wararka isku xirnaanta ayaa weli tilmaamaya in Julian Alvarez uu yahay bartilmaameed muhiim ah oo Barcelona Doonayso inay hesho 2026 si uu u noqdo bedelka Robert Lewandowski,Inkastoo jiraan Caqabadaha dhaqaale iyo qiimaha sare ee Atletico Madrid ka dooneyso. 

Alvarez ayaa sidoo kale kooxda kula jira Atletico Qandaraas ilaa 2030, waxaana ku jirnta heshiis burin oo €500 milyan, taasoo ka dhigaysa in Barcelona ay u baahan tahay inay bixiso lacag aad u badan si ay u qaataan.

Julian Alvarez ayaa si deggan oo kalsooni leh uga hadlay wararka kala guurka, isagoo tilmaamay in had iyo jeer ay jiraan warar iyo hadal hayn, laakiin isaga waxa keli ah oo maskaxdiisa ku jira ciyaaraha, koobabka iyo Horumarinta Kooxdiisa Haatan .

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang