Kevin De Bruyne oo War culus Kasoo Saaray khilaafka Kala Dhexeeya Tababaraha Antonio Conte



Kevin De Bruyne ayaa war culus kasoo saaray khilaafka la sheegay inuu kala dhexeeyo Tababaraha Antonio Conte, isagoo si cad u sheegay "Anigu wax dhibaato ah kumo qabo Conte, gabi Ahaanba."

De Bruyne ayaa beeniyay wararka sheegaya inay jiraan wax khilaaf ah, isagoo carrabka ku Adkeeyay in xiriirkooda uu wanaagsan yahay.

 Waxa uu tilmaamay in tallaabooyinka Conte ay ahaayeen kuwo loogu talagalay in kooxda laga dhigo mid guulaysata, isagoo tixraacay inay kooxdu wada sameeyaan dadaal wadajir ah si guulo looga gaaro.

Hadalkani ayaa yimid markii uu De Bruyne ka xanaaqay kulankii Napoli ee Serie A, taas oo keentay in warar badan laga faafiyo khilaafaad, balse De Bruyne ayaa si cad u sheegay inaysan jirin wax khilaaf ah.

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang