Khadk dhexe Moises Caicedo oo sheegay in Ciyaartoy kooxda Chelsea, uu kaga yaabsadey Tababarka kooxda
Moises Caicedo ayaa sheegay in Ciyaartoyga kooxda Chelsea, gaar ahaan Estevao Willian, uu kaga yaabsadey tababarka kooxda. Caicedo ayaa Tilmaamay sida Estevao uu si heer sare ah ugu Saameeyay kooxda Chelsea Tababarka iyo ciyaaraha, isagoo ka mid noqday xiddigaha kooxda.
Estevao Willian ayaa sidoo kale dhaliyay goolkii guusha Chelsea ee ciyaartii ay ku garaacday Liverpool 2-1, taas oo ka dhigtay mid si weyn loogu soo Xusayo ciyaaraha. Estevao waa mid leh kalsooni iyo awood sare oo ka yaabiyay Ciyaartoyda kale ee kooxda Chelsea markii tababarka lagu jiro.
Waxaa muuqata sida Estevao uu si degdeg ah ugu dhex milmay kooxda una noqday ciyaaryahan muhiim ah oo lagu kalsoon yahay tababarka iyo ciyaaraha rasmiga ah .
Comments
Post a Comment