Kooxda Barcelona oo go'aan Rasmi ah ka soo Saartay Mustaqbalka ee weeraryahanka Marcus Rashford




Kooxda Barcelona ayaa Gaartay go'aan ku saabsan mustaqbalka Marcus Rashford kadib markii uu u muujiyay qaab ciyaareed cajiib ah xilliga 2025-2026 isagoo haatan ku jira heshiis amaah ah oo kayimid Manchester United,iyadoo ay jirto ikhtiyaar heshiis joogto ah ku kacaya qiyaastii £26.2 milyan (ku dhow £30 milyan.

Barcelona waxay qorsheyneysa inay sii heysato Rashford Sababtoo ah wuxuu noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan weerarka kooxda,xilli Rashford isna wuxuu muujiyay doonistiisa ah inuu Barcelona joogto "sanooyin badan oo Bandhig ah" wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay lana qabsaday qaabka kooxda iyo Tababaraha Hansi Flick.

 Si kastaba ha ahaatee, go'aanka kama dambeysta ah ee ku addaan in heshiishka amaahda laga dhigo mid joogto ah ayaa wali baareyaal ahaan loo eegayaa, iyadoo ay saameyn ku yeelanayso xaalada dhaqaalaha ee kooxda iyo xoogga ay u leeyihiin heshiisyo waaweyn oo cusub.

 Marcus Rashford ayaa ku muuqday qaab ciyaareed fiican Barcelona, isagoo ka qayb qaatay 10 kulan halkaas oo uu ku dhaliyay 3 gool isla markaana sameeyay 5 caawin. Rashford ayaa kaalinta koowaad ku helay fursado badan oo ciyaareed isagoo kaalmo ku ah weerarka marka laga eego dhinacyo kala duwan, gaar ahaan garabka bidix halkaas oo Barcelona dhibaato ku qabtay tan iyo markii Neymar ka tagay kooxda ��.

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang