Kooxda Barcelona oo Go’aan Weyn ka Gaartay Mustaqbalka Hanzi Flick Kadib Guuldaradii Cusleyd ay kaga Soo Kulmeen Sevilla ee Laligaha .

 



Kooxda Barcelona ayaa go'aan weyn ka gaartay mustaqbalka Hanzi Flick kadib guuldaradii cusleyd ee 4-1 kaga soo gaartay Sevilla kulan ka Tirsanaa La Liga ee October 5, 2025.

 Guuldaradan ayaa keentay in maamulka Barcelona ay si dhab ah uga fiirsadaan Xaalada kooxda iyo mustaqbalka Tababaraha, iyadoo dhowr warar ah ay ku Leeyihiin in kooxda ay isha ku hayaan Ikhtiyaarada ku Saabsan in la Sameeyo isbeddelo haddii khaladka ay sii socdaan.

Guuldarada Sevilla ayaa ahayd mid aad u weyn iyadoo Barcelona ay ku bixisay lacag Ciyaartoy muhiim ah laakiin aysan weli helin helin Natiijooyin la filaayay. Taas ayaa sabab u noqotay inay jiro Cadaadis ku yimaaday Hanzi Flick iyo maamulka kooxda inay dib u cadeeyaan qorshayaasha mustaqbalka iyo sida kooxda loogu soo celin karo guulihii hore .

Hanzi Flick ayaa ka jawaabay guuldarada isagoo sheegay in guuldaradan ay sabab u tahay khaladaad waaweyn oo ay sameeyeen Ciyaartoyda ay galeen, balse uusan Nidaamka tababarkiisa ku eedeynayn guuldarada.

 Si kastaba ha ahaatee, maamulka Barcelona iyo mas'uuliyiintii ayaa sidan u dhigay si ay u go'aan uga gaaraan mustaqbalka must Tababaraha,Xilli Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa la hadlay Flick intii lagu jiray Dulimaadkii diyaarada ay dib ugu soo laabanayeen Barcelona, ​​Wuxuu i si cad ugu muujiyay Taageeradiisa iyo kalsoonida uu ku qabo Qorshihiisa Tababareed, iyadoo Laporta iyo kooxda maamulka ay diyaar u ahaayeen inay Qaadaan Tallabooyin waaweyn haddii ay muhiim tahay si kooxda looga saarayo Xaalada liidata. 

Barcelona ayaa weli ku jirta kooxda ama Kaalinta labaad ee horyaalka La Liga Kadib guuldaradaasi, iyadoo Rajadeedu tahay in ay dib ugu soo laabato sareedka horyaalka 


Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang