Kooxda Barcelona oo lumisay xiddig u Muhiim ah ka hor kulanka weyn El Clasico ee Real Madrid
Kooxda Barcelona ayaa lumisay xiddig muhiim ah, Dani Olmo, kaasoo dhaawac soo gaaray isagoo ku jira tababarka xulka Spain. Wararka rasmiga ah ayaa xaqiijiyay inuu ka dhaawacmay muruqa canqawga (Calf injury) taas oo keentay inuu ka laabto tababarka Spain oo uu ku laabanayo Barcelona si loo sameeyo baaritaanno caafimaad oo dheeraad ah.
Dhaawacani wuxuu ka dhigan yahay inuu ka maqnaan doono kulamadii muhiimka ahaa ee Spain ay la ciyaari lahayd Georgia iyo Bulgaria ee isreebreebka koobka aduunka .
Barcelona ayaa muujisay Caro iyo walbahaar ka dhashay sida ay xulka Spain u maareeyeen xaaladda Dani Olmo, maadaama kooxda hore u sheegtay in Olmo uu la tacaalayay daal iyo dhibaato muruqa ah, hase yeeshee xulka Spain ayaa u oggolaaday inuu sii wado tababarka illaa maanta oo uu ku dhaawac kasoo gaaray.
waxaana dhaawacani saameyn ku yeelan karaa ciyaaraha muhiimka ah ee kooxada Barcelona iyo xiriirka kooxda iyo xulka Spain. Dani Olmo ayaa ah xiddig muhiim ah kooxda Barcelona uga ciyaara weeraraka, dhaawaciisana waxaa lafilayaa inuu maqnaan doono ee dhowr toddobaad , taasoo keeni karta inuu seego ciyaaraha muhiimka ah sida El Clasico ee ka dhici doona Real Madrid Bisha October 26-keeda .
sidoo kale xaaladan Dhaawac waxay keentay xiisad dheeraad ah oo u dhexeysa Barcelona iyo xulka Spain oo horet khilaaf uga jiray dhibaatada dhaawaca xiddiga kale ee Lamine Yamal .
Comments
Post a Comment